Ugandha dan ma ugu jirtaa Somaliya laga ciribtiro argagixisada?

Dowlada Ugandha marnaba dani uguma jirto Somaliya oo nabad diidka iska xoraysa ciidan keeduna amniga dalka sugaan laba sababood awgood…

1.Mida koobaad waa dhaqaalaha xad dhaafka ah ee Ciidanka Somaliya ka jooga uga soo xarooda.

Askari kasta oo Uganda udhashay kana mida Ciidanka hawlgalka Atmis ujooga Somaliya mushaarkiisa Dowlada Ugandha waxbay ku leedahay gaar ahaan Qoyska Madaxweynaha.

Sidoo kale dhaqaale gaara ayay Dowlada Ugandha uga qaadataa Dowladaha taageera,kasoo kubaxa tababarada Ciidankaas la siinayo,Qalabkooda iyo Rasaastooda.

2.Mida labaad waa in Ciidanka Ugandha ee faraha badan cabsidana ay ka qabaan Qoyska Madaxweynaha in ay af Gambiyaan shaqo abuur loo sameeyo,si gaar ah Saraakiisha sar-sare.

Sidoo kale Askarta hawlgabka noqota oo iskugu jira Rag iyo Dumar 25% waxay qayb ka noqdaan Ciidanka Ugandha ee Somaliya la geeyo.

Way jirtay mar loo arkay Musefeni in uu daacad ka yahay Somaliya oo Qaran noqota,waase intaan la helin Mashruuca hawlgalka Amisom.

Jibril Qoobey.