Goormaa lagu dhawaaqayaa natiijada Doorashada Kenya

Dalka Kenya oo sadexdii maalmood ee lasoo dhafay ay ka socotay tirinta codadka doorashadii Talaadadii ka dhacday ayaa waxaa soo baxaya muran iyo buuq hareeyay xarunta xaqiijinta codadka ee Bomas ee magaalada Nairobi kuwaasoo dhexmaray xubno ka kala socday labada xisbi ee sida weyn ugu loolamaya doorashada.

Sidoo kale guddiga doorashada Kenya ayaa sheegay in la’la yahay mid kamid ah musuulyiintii gacanta ku hayay natiijada codadka deegaanka Bariga Embakasi.

Ma kala cadda xilligga lagu dhawaaqi doono natiijada kama dambeysta ah balse guddiga doorashada Kenya ayaa bilaabay inay xaqiijiyaan codadka doorashada ee guud ahaan 290- deegaan baarlamaaneed.

Guddiga doorashada ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqi doonaa natiijada doorashada madaxtinimada.

Murashaxa ku guuleysata doorashada madaxtinimada.

Waxaa dalka laga dareemayaa walaac laga qabo hannaanka gaabiska ah ee ay ku socoto tirinta codadka doorashada iyadoo doorashooyinkii hore ee lagu muransanaa ay sababeen rabshado ama gabi ahaanba meesha laga saaro natiijada doorashada.

Kadib rabshadihii hareeyay doorashadii sanadkii 2007-dii, ugu yaraan 1,200 qof ayaa lagu dilay halka 600,000 ay guryahood ka qaxeen kadib markii ay soo baxeen warar sheegayay in doorashada lagu shubtay.