Madaxweyne Deni oo amray iibinta Buugaagta Manhajka Waxbarashada in la joojiyo

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Amar Madaxweyne ku joojiyay in la iibiyo buugaagta Manhajka Waxbarashada dusgiyada sare ee Puntland, inta dib loo eegayo si loo saxo khaladaadka jira hadda.

Madaxweynaha ayaa faray Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland, in la fuliyo amarkan laga billaabo maanta 13 August 2022 illaa amar danbe.

DHAMMAAD.

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.