Yurub oo soo food saartay Abaartii ugu darnayd mudo ku dhow 500-sano

Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AP, qaybo badan oo ka mida qaaradda Yurub ayaa la baaxaa-degaya abaaro xooggan oo ku dhuftay oo keenay inay qalalaan webiyadii, kalluunkii ku noolaa biyaha webiguna uu halkaas ku dhintay, sida ka dhacday gobolka Burgundy eek u yaalla dalka Faransiiska.

Sidoo kale dalka Spain ayaa laga soo sheegayaa in meelo badan oo biyo fadhiisin ahaa inay qalaleen, iyada oo keentay inay hoos u dhacaan heerka biyaha ee qaybo badan oo ka mida dalkaas. Wararka ayaa sheegaya in dalal badan oo ku yaalla qaaradda Yurub inay haatan la tacaalayaan abaaro aanay hore u arag oo laga dareemay ugu yaraan kala badh qaaradda Yurub.

Abaarahan ayaa si weyn u dhaawacay wax-soosaarkii beeraha, iyada oo keentay in la xakameeyo biyaha la isticmaalo, taasoo halis gelinaysa duurjoogtii iyo xayawaanadii kale ee ku noolaa dhulka kaymaha ah.

Ma jirin wax roobab ah oo la taaban karo oo ka da’ay gobollada galbeedka, badhtamaha iyo koonfurta ee qaaradda Yurub, labadii bilood ee la soo dhaafay. Dalka Britain laftiisa ayaa ku jira meelaha lagaga dhawaaqay inay abaaruhu ka jiraan, gaar ahaan Koonfurta iyo Badhtamaha England, iyada oo lagu jiro mid ka mida xagaagii ugu kululaa uguna qallalaa ee dalkaas laga diiwaangeliyo.

Khubarada ayaa sheegaya in laga yaabo in dalalka Yurub ay wakhti ku sii jiraan, xilligan qallalan ee haatan lagu jiro, iyaga oo sheegay in laga yaabo in Qaaradda Yurub ay soo foodsaarto mid ka mida abaarihii ugu xumaa ee soo mara muddo ku siman 500 oo sano.

AP