Shirkadaha Shidaalka oo faa’ido ka sameeyay dagaalka Ruushka iyo Ukrain

Shirkadda saliidda ee Aramco ee ay leedahay dawladda Sucuudigu, ayaa sheegtay in faa’iidada ay samaysay ay kor u kacday illaa 90%, saddexdii bilood ee ugu dambeeyey, taasoo ka sare martay faa’iidadii ay hore u saadaaliyeen inay xilligan helaan, waxaana sabab u noqotay iyada oo ay sare u kaceen baahida loo qabo xaddiga shidaalka la iibsanayo iyo saliida la sifaynayo ee suuqyada caalamka.

Ka dib duullaankii uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine iyo cunaqabataynadii kala duwanaa ee lagu soo rogay dalka Ruushka, ayaa keenay inay sare u kacaan baahida shidaalka ee dunidu, waana mid ka mida fursadaha ay ka faa’iidaysteen shirkadaha shidaalka soo saara iyo kuwa safeeya, oo ay ku jirto shirkadda Aramco.

Madaxa fulinta ee Shirkadda Aramco Amin Nasser ayaa sheegay in shirkaddiisu ay filayso in baahida shidaalka ee dunidu inuu sii socdo tobanka sano ee soo socota, inkasta oo laga yaabo in baahida sarraysa ee haatan ka taagan suuqyada caalamku inay sii jirto wakhti kooban.

Faa’iidada saafiga ah ee ay samaysay shirkadda Aramco ayaa kor u kacday sannadkan iyada oo samaysay illaa $48.39 bilyan saddexdii bilood ee April, May iyo June, halka ay sannadkii hore isla bilahan oo kale ay samaysay dakhli saafi ah oo gaadhaya illaa $25.43 bilyan.

Saamiga shirkadda ayaa isaga laftiisu kor u kacay illaa 25% sannadkan, iyada oo ay ugu wacan tahay qiimaha shidaalka iyo gaasta dabiiciga ah ee dunida ee sare u kacay, ka dib cunaqabataynadii reer galbeedka ee ka dhanka ahaa dhoofinta shidaalka iyo gaasta ee dalka Ruushka.

Bishii July 29-keedii, shirkadda Exxon Mobile Corp ayaa iyaduna ku dhawaaqday inay samaysay faa’iidadii ugu badnayd, saddexdii bilood ee la soo dhaafay, waxaana ay sheegeen inay sameeyeen dakhli saafi ah oo gaadhaya illaa $17.9 bilyan oo afar laab ka badan korodhka dakhli ee ay sameeyeen sannadkii hore.

Shirkadaha Shell iyo Total ayaa iyaguna diiwaangeliyey inay sameeyeen macaash badan.

Reuters