Dhaqaalaha Sacuudiga oo noqday midka ugu kobaca batay caalamka

Dhaqaalaha Sacuudiga ayaa ah dhaqaalaha ugu kobaca badan caalamka isagoo soo bandhigay 7.6 boqolkiiba inta lagu guda jiro sanadkan 2022, sida ay sheegtay hay’adda lacagta adduunka ee IMF.

Qiyaasta IMF ayaa waxaa shaaca ka qaaday Wasaaradda Maalgashiga Sacuudiga (MISA) intii lagu guda jiray sii deynta warbixintii dhaqaalaha iyo la socodka maalgashiga Sacuudiga Axaddii oo ku saabsaneyd horumarradii ugu dambeeyay ee dhaqaalaha iyo maalgashiga Sacuudiga ee rubuci labaad ee 2022. Qoraalka wasaaradda ayaa lagu sheegay.

Qiyaasta IMF ayaa muujisay in dib-u-habaynta dhaqaale, dhisme iyo sharci ee Boqortooyada ay horseeday xoogga dhaqaalaha Sacuudiga, marka lagu daro ka qayb qaadashada sii wadida kobaca joogtada ah iyo tartanka si loo soo jiito maalgashiga Boqortooyada.