Iibinta Manhajka Dugsiyada Puntland oo dib loo fasaxay

Garoowe: 15 August, 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo Shirkada qaabilsan daabacaada manhajka Waxbarashada Dugsiyada Puntland.

Kulankan ayuu Madaxweynaha Dowladda Puntland warbixin ku saabsan Manhajka Puntland kaga dhegaystay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, falanqeyn iyo dib-u-eegis lagu sameeyay qiimaha Buugaagta iyo sidii culayska looga yareyn lahaa Waalidka, waxaa Kulanka laga soo saaray go’aamadan.

  1. In qiimihii ahaa $5 Dollar oo Madbacadaha midoobey ee Puntland ay ku qoreen Buuggaagta Manhajka Puntland, uu ahaa mid macquul ah markii la eegay Kharashkii ku baxay qorista, daabacaada iyo ka shaqeynta. Maadaama Dowladdu aysan haysan cid ka caawisa shaqadaa.
  2. Waxaa la go’aamiyey iyada oo la eegayo duruufaha lagu jiro awgood in qiimaha buugta Dugsiyada sare laga dhigo $3 Dollar.
  3. Dowladda Puntland waxa ay qaaday inay bixiso $ 2 Dollar oo u dhiganta $ 1,000,000 hal Milyan oo Dollar, iyada oo waalidiinta Puntland laga dulqaadaayo culayska saarnaa ee ku aadana qiimaha buuggaagta.
  4. Waxaa maanta dib loo fasaxay iibinta Buuggaagta manhajka Waxbarashada Dugsiyada sare ee Puntland.

Waa markii ugu horeysay ee Dowladda Puntland ay yeelato manhajka Dugsiyada Hoose, Dhexe iyo Sare mudo 24 sano ah.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.