Natiijada Doorashada Madaxtinimo Ee Kenya oo goordhow lagu dhawaaqayo

Goobaha codbixinta ee doorashada guud ee Kenya,ayaa soo xirmay.

Afar murashax ayaa u tartamaysa xilka madaxweynaha. Codbixiyayaasha waxay sidoo kale dooranayaan gabarnatoorayaal, senataro, xildhibaanno iyo xubnaha golaha deegaanka.

Guddiga Doorashada Kenya(IEBC) si ay u soo gudbiso isku darka natiijada hordhaca ee doorashada madaxweynaha.

Si waafqasan sharciga Kenya, Guddiga doorashooyinka ee IEBC ayay tahay in ay shaaciyo natiijada rasmiga ah ee doorashada Madaxweynaha.