Sacuudiga oo Pakistan ugu deeqaya 3-Bilyan oo Dolar

Boqortooyada Sacuudi Carabiya,ayaa sheegtay maalmaha soo socda iney shaacineyso arrin si weyn u faraxd gelinayo dalka Pakistan oo ay saaxibbada dhaw yihiin.

Warkan oo aan ka soo xigannay BBC Hindi oo soo xigatay Wargeyska Jang ayaa sheegaya Riyadh iney go’aan ku gaartay lacag dhan 3 balyan oo doolar inay ku shubto bangiyada Pakistan si looga caawiyo dhaqaalaha dalkaasi ee sii xumaanaya.

Wargeyska oo soo xigtay wakaaladda wararka boqortooyada Sacuudiga ayaa intaa ku daray toddobad gudahii wasaaradda maaliyadda Sacuudiga iney qorsheyneyso lacagtaasi iney ku shubto bangiga dowladda Pakistan.

Sida oo kale Riyadh waxay shaacisay wax soosaarka saliida oo qiima ahaan ku kacayo 100 malyan oo doolar 10-ka bilood ee soo socda iney bil walba Pakistan ku kaalmeeyneyso.

Wargeyska waxaa kale uu sheegay in kasta oo ay jirin wax war oo ay ka soo baxay Sacuudiga iyo Pakistan haddana Sacuudiga wuxuu qorsheynayaa inuu maalmaha soo socda uu qorshahaasi si rasmi ah u shaaciyo.

Sacuudi Carabiya waa isha ugu weyn uu dalka Pakistan ka helo Batroolka dalkaasi uu u baahan yahay.

Waxay sida oo kale Pakistan siiso kaalmo dhaqaale oo baaxad leh halka lacagta adag ee ugu badan oo Islamabad dibadda ka soo galana uu uga yimaaddo lacagaha ay soo xawilaan dadka shaqada u jooga Sacuudi Carabiya ee u dhashay dalka Pakistan.