Golaha Wasiirada Fadaraalka ma waxaa loo fariisiyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur?

Wax la filan karo ma ahayn in raysalwasaarihii Caawa lasoo shirtago Dowladaha iyo hay’adaha caalamku wixii kaalmo ah hasoo mariyaan Dowlada,iyadoo uu jiray Ergay gaar ah.

Sidoo kale in uu noqdo Afhayeenkii Shirka ra’isalwasaarihii waxay noqotay wax kale oo lays waydiiyo.

Shirkii aan caadiga ahayn ee Golaha Wasiirada Fadaraalka ee caawa in uu kusoo koomo in Cabdiraxmaan Cabdishakuur Mashruucii abaarta looga daba tago waa la yaab.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur waa Oday soo halgamay,waxuuna eersaday saamaynta u muujiyay warka Xamse akhriyayna waa mid lasoo marsaday oo toos uga yimid Madaxweyne Xasan.

Midowga Yurub,Khaliijka iyo Maraykanka,ayuu isku daba ritay intii la filan karay waa kasii balaarsaday Mashruuca.

Muqdisho oo ay ku taal Xeradii Xalane isaga cid aan ahayn waa kala hadli wayday mashruuca abaaraha Beesha caalamku.

Dowladuna in ay galaangal ka hesho Abaaraha ayay rabtay Albaab walba oo ay taageeero waydiisan lahaydna Cabdirahlxmaan baan is aragnay,ayaa loogu jawaabay.

Cabdiraxmaan Kacaankii,ayuu ka dheereeyay ee wax kale ma eersan,ayaa la oran karaa.

Beesha caalamka lama oga say uga fal celin doonto,waxaana muuqata isku dhex yaac dhanka shaqada ah.

Jibril Qoobey.