Wax badan ka ogow isbadalka uu ku sameeyay hogaamada Amniga M.Mustafe?

Shalay Madaxweyne Mustafe,waxuu sameeyay isbadal laamaha amaanka.

Maxamed Xasan Axmed madaxa Booliska Deegaanka,ayaa laga dhigay.

Sidoo kale Sakariye Cabdi Khaliif,waxaa laga dhigay ku xigeenka Booliska.

Labada masuul ee loo dhiibay hogaanka Booliska,waxaa lagu dhaliilaa in ay horay uga gaabiyeen wax ka qabadka amniga sida…

1.Amniga Magaalooyinka.
2.Dadka soogalootiga ah la socodkooda.
3.Dhalinyarada China Group loo yaqaan.

Madaxa Booliska cusub waxuu soo noqday Maareeyihii Kuliyada Booliska,waxuuna kasoo jeeda Gobolka Liibaan,waxaana meesha keensaday Axmed Shide.

Shide,waxaa lagu dhaliilaa in saamigii Gobolada Liibaan iyo Dawa uu ku buuxiyey hal Qoys oo wada Xidid ah sida..

B.Madaxa Xarunta Dhexe ee Xisbiga Barwaaqo ee Somalida Eng.Shaale.

T.Wasiirka Xaafiiska Xoolaha oo ay Ilmo Habreed yihiin.

J.Wasiirka Warfaafinta oo qaba Axmed Shide Walaashiis.

Ku xigeenka Booliska Sakariye oo ahaa Madaxii hawlgalinta Ciidanka Liyuu Labadii Jeer ee Shabaab soo duuleen,waxaa aad loogu dhaliilaa ku milanka maamulka Mustafe gaar ahaan musuqii Xaaji Tuur iyo ugaarsiga lagu sameeyay Saraakiishii ay soo wada shaqeeyeen xiligii Madaxweyne Cabdi Iley.

Sababta xiligan loogu dhiibay Booliska,waa in hawlgalo balaaran oo siyaasadeysan laga fuliyo Deegaanka maadama Mustafe cadaadis ka soo food saaray Beesha reer Cabdille ee Sakariye kasoo jeedo.

Sidoo kale Xirsi Maxamed Dool oo Seedi u ah Madaxweyne Mustafe oo qaba Gabar ay dhashay Canbaro Dool,isla markaana ay Ilma Abti yiihiin Mubashir Dubad Raage oo ah hooganka Nabadgalyada oo ay dhashay Caasho Dool,ayaa loo magacaabay Madaxa Ciidanka Maleeshiyada Deegaanka.

Waxaa la yaab leh sida Xididtinimadu door weyn ugu leedahay maamulka Mustafe.

Jibril Qoobey.