Waxaa la yaab leh sida Xididtinimadu door weyn ugu leedahay Maamulka Mustafe!!

Waxaa la yaab leh sida Xididtinimadu door weyn ugu leedahay maamulka Mustafe.

Tusaale”

1.Wasiirka Xaafiiska Xoolaha waxay Ilmo Habreed yihiin Axmed Shide.

2.Wasiirka Warfaafinta,waxuu qabaa Axmed Shide Walaashiis.

3.Talyaha Ciidamada Maleeshiyaadka,waxay Ilmo Abti yihiin Xaaska Madaxweyne Mustafe.

4.Hooganka Nabadgalyada,waxaa dhashay Caasho Dool oo waxay Ilmo Abti yihiin Talyaha Ciidanka Maleeshiyada Madaxweyne Mustafe waa u Seedi labadaba.

5.Wasiirka Xafiiska Hawlaha Guud,waxuu Adeer u yahay Xaaska Madaxweyne Mustafe.

6.Gudoomiyaha Gobolka Liibaan,wuxuu Sodog uyahay Madaxa Xarunta Dhexe ee Xisbiga.

7.Wasiirka Xoolaha waxay Ilmo Habreed yihiin Gudoomiyaha Gobolka Liibaan.

8.Wasiirka Dooxooyinka,waxaa Caruur udhashay Xaaski hore ee Madaxweyne Mustafe oo Caruurtooda,ayaa xaga Hooyo Walaalo ka ah.

Waxaa la oran karaa waa Maamul isa suran oo ku dhisan Xidid iyo Xigaalo ehel.

Jibril Qoobey.