Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada Puntland?

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa Shir Guddoomiyey Shirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha waxaa ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash todobaadkan waxaa looga hadlay Amniga guud ee dhammaan degaanada Puntland, Gurmadka iyo Garab istaagga shacabka Soomaaliyeed ee Abaaruhu saameeyeen.

Waxaa lagu ansixiyey wax ka badelka Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah qodobadiisa 18-aad iyo 30-aad oo ku saabsan Maalmaha Shaqada iyo Saacadaha Shaqada, kaasi oo ay Golaha usoo gubisey Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha DPL.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.