Nabadoonada oo Khatar Amni iyo mid Maamul ku haya Gaalkacyo

Gaalkacyo Maanta maalin ay ka wanaagsan tahay majirto markii lagu qiimeeyo 30-kii sano ee udanbeeyay xaalkeeda.

Hal arin,ayaa khatar amni iyo maamul ku ah, guud ahaan Gobolka Mudug.

Arinkaas waa Niman sheegta Nabadoono oo kaba shaqaysta dhibka iyo dhibaatada maalinlaha ah.

Lama tuso nidaam dhisma,kala danbayn,dhib la xaliyay iyo shaqo soo afjarantay oo lagu guulaystay.

Nabadoonada waxaa xiligan ugu Shar badan Ildheere iyo Gaani.

Midkiiba 30-Qof,ayuu dhalay,waxuuna urabaa Nolol maalmeed,Waxbarasho iyo Shaqo abuur,waxayna dhaqaalahaas ay ku maaraynayaan culayskaa xooga badan ee saaran ay kusoo saaraan Afmiishaarnimo.

Labada Nabadoon waa isdhaamaan oo Gaani,ayaad moodaa in uu aragti roon yahay.

Tusaale”

Ildheere ,waxuu ahaa Ninkii hogaaminayay Nabadoonadii Shabaab la kulmay xiligii Gaas.

Ildheere,waxuu ahaa Ninkii Magta kasoo qaaday Shabaab hada ka hor.

Ildheere,waa Ninka weli xiriiriya Nabadoonada Gobolka iyo argagixisada.

Ildheere,waxuu ahaa Ninkii horboodayay Nabadoonadii diidanaa dib uhabaynta Ciidamada.

Ildheere,waa Ninkii hormuudka u ahaa carqaladii Cabdi Siciid hurinayay ee Nabar iyo Naxdin ay soo waariday.

Ildheere,waxuu ahaa Ninkii Dowlada kula gorgortamayay xaalad abuurkaas oo Wiilkiisa loogu daray Gudigii Doorashada.

Haatan dhacdadii Yaasiin Cabdisamad,ayuu dhex boodayaa,waxuuna ku qanciyay Yaasiin in uu isaga wakiisho.

Dowladu dhacdadaas si ay usoo afjarto Sharkeeda,waxay ogolaatay in ay bixiso dhaqaale loo xukumay Yaasiin oo 100-kun oo dolar ah,waxayna udhiibtay Ildheere iyo Rag la socday 50-kun oo Kaash ah qaybta hartayna wakhti ayay qabsatay.

Ildheere oo dareensan in uusan 50-,kan waxba ka helayn,ayaa ganafka ku dhuftay Lacagtii soona istaagay waxaan rabnaa Lacagtoo dhamaystiran hada.

Labo ujeedo,ayuu leeyahay Ildheere oo kala ah..

1.In Dowladu isaga gaar usooryayso.
2.In Wiilkiisa oo uu la rabo Duqa Gaalkacyo loo magacaabo.

Yaasiin rabi ha caafiyo Turkiga waxba waa looga qaban waayay xaalkiisa,waxaana loo wareejinayaa Hindiya,dhaqaalahaas isbaarada Ildheere hortaalna waa ubaahan yahay.

Todobaad walba,waxaan idinla wadaagi doonaa Nabadoonada khatarta ku ah amniga iyo Maamulka Gobolka Mudug.

Jibril Qoobey.