Ruushka iyo Shiinaha oo wada samaynaya dhoolatus Milateri

Wasaaradda difaaca Shiinaha ayaa sheegtay in ay ciidamo u dirayso Ruushka si ay uga qayb qaataan dhoolatus milatari oo wadajir ah.

Dhoolatuskan oo billaaban doona dhammaadka bisha Ogosto, wuxuu socon doonaa muddo saddex toddobaad ah, waxayna astaan ​​u tahay xoojinta xiriirka labada dal.

Tallaabadan ayaa imaneysa iyadoo Moscow ay wajaheyso cunaqabateyn caalami ah oo ku saabsan duulaanka ay ku qaadday Ukraine.

Hindiya, Belarus, Mongolia iyo Tajikistan ayaa ka mid ah tiro dalal kale oo iyaguna loo qorsheeyay inay ka qayb qaataan dhoola-tuska,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka