Gaalkacyo way istaahishaa in ay hesho Duq magaalo oo uqalma

Duqa caasimada Gobolka Mudug ee Gaalkacyo,waxuu maamulaa Sanadkii dhaqaale kasoo baxa gudaha Magaalada oo gaaraya 2-Milyan oo dolar Sanadkii.

Xiligan Lacagtaas Magaaladu leedahay way ka qatan tahay.

Lacagtaas laguma qaban dhismaha Wadooyin ay ubaahan tahay Magaalada.

Lacagtaas laguma dhisin Beero ay Dadku ku nastaan oo ay baahi weyn ay uqabto xiligan.

Lacagtaas laguma samayn nadiifin iyo kor uqaadid bilicda Magaalada oo aad udayacan.

Dhaqaalahaas,waxuu ku baxaa musuq iyo danaysi gaar ah..

1.Wasiirka markaas jooga Arimaha gudaha oo Duqu hoos tago Bil walba,waxaa meel loogu shubaa dhaqaale gaaraya 5-10-kun oo dolar si uu Kursiga ugu hayo Duqa.

2.Odoyaasha Qabiilada ee sheegta Nabadoonada waxaa la siiyaa Mushahaar joogta ah hadii kale Duqa ayay ku furayaan Olale ka dhan ah.

3.Xubnaha Golaha Deegaanka soo gala oo ubadan Dad aan dhaqaale ahaan dhisnayn,waxay qayb ka yihiin Isbaarada Duqa hortaala.

4.Martida ka timaada Dowlada Dhexe oo si baad dadban ah ubaarata Duqa,waxaana ku baxa dhaqaale badan.

Dhaqaalahaas,waxaa si saxa ku baxa Mushahaarka Shaqaalaha Dowlada hoose.

Su’aashu waxay tahay see loo heli karaa Duq magaalo oo intaas ka madax banaan isaguna daacad,Wadaniyad,Karti iyo Han ah taariikh ka tag ah uu ku jiro?

Jibril Qoobey.