Talyihii Nabadsugida Banaadir oo ka mid ah Dadka waxyeeladu soo gaartay

Faah faahino dheeraad ah,ayaa laga helayaa qaraxyo Is-miidaamin ah oo Caawa ka dhacay meel ku dhow Isgoyska KM-4 ee Magaalada Muqdisho.

Rag hubeysan,ayaa gudaha u galay Hotel Xayaat,iyagoo ilaa iyo hada ka dhex-dagaalamaya.

Waxaa la helayaa xogta khasaarihii ka dhacay Hotelka oo hordhaca,waxaana dhimashadu gaaraysaa10-Qof iyo dhaawac ka badan intaas.

Taliyaha Nabad Sugida Gobolka Banaadir Muxyidiin Warbac,ayaa ka mid ah Dadka ku dhaawacmsy weerarka,waxaana soo gaaray dhaawac fudud oo dhinaca Lugta Bidix ah.

Ciidamadda Alfa-group,Haramcad,Danab iyo Booliska,ayaa isku dayaya in ay soo afjaraan weerarka.

Maleeshiyada Alshabaab,ayaa saaran Dabakha ugu sareeya Hotel oo ay kasoo dagaalamayaan.

Jibril Qoobey.