Faallo:-Waa fariin toos ugu socoto hogaaminta Xasan weerarka Hotel Xayaat”

Waa fariin toos ugu socoto hogaaminta Xasan weerarka Hotel Xayaat.

Markii uu talaabo ka qaadi waayay kooxdii Fahad ee Nabar iyo Naxdin ayay iyagii soo weerar tageen.

Sirdoonka iyo Booliska ayay sidoodii udhex fadhiyaan oo ka haystaan boosaskoodii.

Madaxweyne Xasan Sadex jeer buu tagey Taliska Booliska oo Xijaar la kulmay maxayse taraysaa oo uu Xijaar hayaa?

Kooxda Fahad ee khatarta ah waxay joogaan Isbaaro ilaa Talye Degmo,waxayna weli maamulaan goob walba oo amniga muhiim u ah.

In Hotel ku yaala bartamaha Magaalada lasoo weeraro oo lasoo dhaafo dhamaan isbaarooyinkii sugida amniga Caasimada ma’ahan wax iska dhacay.

Xeer ilaalintu waa in ay soo saartaa Warqad loogu yeerayo Fahad,haduu ku imaan waayana Dowlada Turkiga laga dalbadaa in ay soo wareejiso.

Sidoo kale waa in Farmaajo lagu sameeyaa Kufsi siyaasadeed deg-deg ah.

Villa Somaliya waa laga saaray F&F balse dhaqankoodii,ayaa weli jira.

Madaxweyne Xasan,waxaa muuqata in aysan waxba iska badalin oo Da’ da mooyee wax kale ukordhin,waxuu weli daba haystaa Musuq iyo Qabyaalad mana soo gaarin heer uu ufakaro una dhaqmo si Qaranimo ah.

Khatarta Somaliya waa Fahad Yaasiin ee toos haloo abaaro.

W.Q.Jibril Qoobey.