Imisa nooc ayay ukala baxaan weerarada argagixisadu fuliso?

Argagixisadu waxay fuliyaan 6-nooc weerar oo kala ah…

1.Madax jabin”

Waa nooc inta badan ay ku dilaan Qof kaliya oo bar tilmaameed ah.

Dhaqaale yar,ayaa uga baxa fulintiisa.

Diyaarintiisana mudo badan uma baahna.

2.Qaraxa geesaha Wadooyinka”

Waa Qarax ay ku dhex sameeyaan Qasacadaha Caana-booraha,waxayna ku bartilmaameedsadaan hal Baabuur ama Hal Qof oo macno leh.

Sidoo kale qaali kuma ah samayntiisa,isla markaana diyaarintiisu uma baahna wakhti badan.

3.Qaraxa Xanjada”

Waa Qaraxa ay badanaa ku dhajiyaan Baabuurta masuuliyiinta dayacan.

Qiimaha dhaqaale ee uga baxa samayntiisa aad uma badna.

Diyaarintiisa wakhti uguma baahnna la sheego.

4.Qaraxa Suunka”

Qaraxa Suunka waa mid ay Qof ku xiraan kadibna Qofkaasi isqarxiyo,waxayna ku bar tilmaameedsadaan Dad door ah.

Dhaqaalaha uga baxa samayntiisa,waa ka badan yahay Sadexda hore.

Balse wakhti badan kuma qaato diyaarintiisa.

5.Qaraxa Gaadiidka”

Qaraxa ay u isticmaalaan Gawaarida waa midka culus,waxayna ku bar tilmaameedsadaan Xarumo,Hotelo iyo Saldhigyo.

Ujeedka Qaraxaas waa in lagu dilo Dad fara badan hal mar,badanaa,waxaa la socda 4-8 Nin oo Lugaynaya.

Dhaqaalaha uga baxa diyaarintiisa aadbuu ufara badan yahay,waxuuna gaaraya 100-300 oo kun dolar.

Qaraxaasi,waxuu ubaahan yahay mudo Bil ama Laba Bilood ah diyaarintiisa.

6.Weerarada Anbushka”

Weeraradaas waxay ka fuliyaan Xarumaha Mileteriga,waxayna badanaa fuliyaan 3-da habeenimo.

Hadafka ay ufuliyaan waa in ay ku qanimaystaan oo tira badan oo Askar ahna ku dilaan saacado kooban.

Jibril Qoobey.