Maraykanka oo si adag uga hadlay weerarka Hotel Xayaat

War qoraala oo ka soo baxay safaarada Mareykanka ee Muqdisho,ayaa lagu canbaareeyay weerarkan,iyagoo tacsi u diray eheladada dadka dhintay, waxeyna caafimaad deg deg ah u rajeeyeen dadka dhaawacyada qaba.

Mareykanka,ayaa sheegay iney sii laba jibaarayaan taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya, si loo soo afjaro khatarta kooxda Shabaab oo ah caqabada koowaad ee horumarka Dowladnimada Somaliya.