Suuqyada Ganacsi Ee Kenya oo xasilooni iyo sare ukac muujiyay doorashada kadib

Shilinka Kenya,ayaa Jimcihii si weyn u xasilloonaa marka loo eego sarrifka dollar, iyadoo bixinta doollarka iyo dalabkiisuba ay bilaabeen inay sare u kacaan, kadib markii uu hakad ku yimid xilligii doorashada, sida ay sheegeen ganacsatadu.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa Isniintii guddiga doorashada Kenya ay ku dhawaaqeen in uu yahay madaxweynaha dalkaasi, balse musharaxii laga adkaaday ee Raila Odinga ayaa sheegay in natiijada lagu dhawaaqay uu maxkamadda sare la aadi doono.

Bangiyada ganacsigu ayaa laga soo xigtay in shilinku ahaa 119.65/85 halkii dollar, marka la barbar dhigo qiimihii uu ahaa khamiistii oo ahaa 119.60/80.

“Dalabku waa hooseyay markii hore, laakiin hadda mar kale ayaa kor loo qaadayaa,” ayuu yiri ganacsade jooga bangiga ganacsiga, isaga oo intaas ku daray “Dadka qaar ayaa doollarkooda suuqa ka hakiyay sababo doorashada la xiriiray – laakiin aragtida xaaladaha qalalaasaha ayaa hoos u dhacay sidaas darteed socodka doollarku waa kordhay”

Xogta Refinitiv oo shirkad la socoto macluumaadka lacagaha, ayaa sheegtay in shilinku hoos u dhacay 5.5% marka loo eego dollarka sanadkan.

Reuters.