Warkii ugu danbeeyay weerarkii Alshabaab Ee Hotel Xayaat

Ciidamada ammaanka Dowlada Fadaraalka Somaliya,ayaa la sheegayaa in ay soo afjareen Maleeshiyadii ka dagaalamaysay gudaha Hotel Xayaat.

In ka badan 10-saac ayay Ciidamada Dowladda kula dagaalamayaan kooxdan oo aan tiradooda la sheegin gudaha Hotelka.

Warka soo afjarida weerarka Hotel Xayaat ma’ahan mid si toos ah uga soo baxay Dowlada Somaliya ama ay Warbaahintu si madax banaan uxaqiijisay.

Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka ilaa haatan dowladda ma aysan shaacin hase yeeshee gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee Muqdisho,ayaa sheegay in ay 20-Qof ilaa xalay geeyeen isbitaalada kala duwan ee magaalada Muqdisho.

Warar ubadan kuwa baraha Bulshada dhex yaacaya,ayaa sheegaya ilaa 10-Qof in ay ku geeriyoodeen weerarka.

Dadka ay eheladooda ka maqan yihiin,ayaa ku wareegaya isbitaalada iyagoo raadinaya dhaawaca ama Meydka Dadkoodii la sheegay in ay ku jireen gudaha hoteelka markii uu weerarka dhacayay.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in ay la wareegeen hotelka oo ku dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.