Baarlamaanka Jubaland oo ansixiyay mudo kororsigii Dastuurka baalmarsanaa

Baarlamaanka Jubaland waa midka ugu saamaynta yar guud ahaan Somaliya.

Ilhaamada Xildhibaanada haysata ma’ahan in ay liitaan Dad ahaan ee waaqiciga Kismaayo,ayaa bahdilay.

1.Xildhibaanadu ma qaataan Mushahaar haba yaraatee.

2.Xildhibaanadu mahaystaan xasaanad amaan oo kii ka hor yimaada Awaamiirta Axmed Madoobe si cad iyo si qarsoonba waa loo waxyeelaynayaa.

Maanta waxay ansixiyeen Hal Sano oo lagu kordhiyay mudo xileedka Axmed Madoobe oo toos uga hor imaanaya Dastuurka Jubaland.

Waxay ubaahan tahay Jubaland Axmed oo meesha ka baxa lana helo hogaamiye Bulshadeeda midayn kara lana diriri kara argagixisada.

Dowlada Fadaraalka iyo Puntland waa in aysan aqoonsan mudo kororsiga laguna khasbaa Axmed in doorashada xiligeedii ku qabto.

Haday dhici waydo taas waa in Kismaayo loo aqoonsadaa meel ay Jamhadi haysato goob kale oo Jubaland ahna lagu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah.