Cumar Cabdirashiid oo ka hor yimid mudo kororsiga Axmed Madoobe

Cumar Cabdirashiid waa ka digay khatarta kasoo socota mudo kororsiga Axmed oo laga aamuso oo raali laga noqdo.

Hadii Dowlada Fadaraalku raali ka tahay mudo kororsiga Axmed Madoobe Maamulada kalana xaq bay u leeyihiin in ay samaystaan mudo kordhin.

Hadiise aysan Dowlada Fadaraalku raali ka ahayn waa in ay mowqifkeeda cadaysaa kana hor timaadaa mudo kororsigaa xaaraanta ah.

Lama aqbali karo waxii Farmaajo laga diiday in Axmed loo ogolaado.

Waxa u roon goosha,ayaa u roon ganderka. Haddii Jubbaland ay wakhti Kororsi ku wanaagsan tahay DFS, waa in muddo kororsiga dowlad goboleedyada kale ay sidoo kale hagaagto. Ku-dhaqanka sharciga laguma adkaysan karo qaarka kalena u oggolaada inay si aan sharci ahayn u adeegsadaan awood siyaasadeed oo ay danahooda ugu adeegaan”

Waxa uu leeyahay ku dhaqanka sharciga laguma adkaysan karo haddii uu qaarna u oggolaanayo muddo kororsi kuwa kalena ka xannibayo.

Waa farriin Xasan ku socota oo jug weyn ah xili loo baahnaana soo dhacay.