Xarun Xanaanada Xoolaha oo Madaxweyne Deni Qardho ka furay

Qardho, 21, Ogoosto, 2021: Madaxweynaha
Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo kusoo gaaray magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar, ayaa xariga ka jaray xarunta Xanaanada Xoolaha een magaalada Qardho.

Xaruntan ayaa ka kooban dhowr qeybood sida qeybaha Shaybaarka, qeybta quudinta Xoolaha, meelo lagu karantiilo Xoolaha, qeybta lagu dejiyo iyo qaybta saylada xoolaha, sidoo kale Madaxweynaha ayaa xaruntaas ka dhaggax dhigay ceel-biyood.

Waxaa dhismaha xaruntan iska kaashaday Dowladda Puntland iyo Banggiga African Development Bank, Hay’adda Save the Children iyo urur Goboleedka IGAD.

Munaasabadda xarig jarka xarunta Xanaanada Xoolaha ee Qardho, waxaa Madaxweynaha kala qeyb galay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Mudane Maxamed Libaaxe, qaar ka mid ah Goleyasha kale ee Dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Karkaar iyo kan Degmada Qardho, Ganacsato iyo marti sharaf kale.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.