Halkee ku danbeeyay Markabkii Dhuxusha Ee Cumaan lagu qabtay

Markabkaas,waxaa saaran 180-Kun oo Jawaan oo Dhuxul ah,waxaa soo rartay Ganacsato Somali ah.

Markabku,waxuu ku wajahnaa Dubai,balse Badda Cumaan,ayuu si Sharcidaro ah kusoo galay,kadibna waxaa la wareegtay Dowlada Cumaan.

Haatan arinkii,waxaa soo dhex galay reer Deni oo galaangal badan kadib ku guulaystay in Dowlada Cumaan iyaga iyo Ganacsato kale dib uga iibiso Dhuxusha saaran Markabka.

Waxaa horay ujiray Xan weyn oo tilmaamaysay in reer Deni iyo Ganacsato kale wada lahaayeen Dhuxusha la qabsaday ee Markabkaas saarnayd.

Qorshaha dib u iibsashada Dhuxusha,waxaa Wakiil iyo Dulaalba ka ah Laba Nin oo kala ah..

1.Jaamac Cali Bicir oo Abti u ah Madaxweyne Deni,Beel ahaana kasoo jeedaa Cismaan Maxamuud-Bah-Yaaqub,haystana Dhalasho Cumaaniya ahna Dulaal weyn.

2.Bashiir Khaliif (Bashiir Dheere) oo kasoo jeedaa Beel ahaan Ciise Maxamuud,si gaar ah Ganacsatada dib looga iibinayo Dhuxusha qaarkeed Wakiil ugu ah.

Reer Deniga ujooga Cumaan qorshahan,waxay kala yihiin…

1.Liibaan Deni
2.Mahad Deni
3.Cabdi-samad Deni oo dhalay Cabdi-rabi Agaasimaha Ciidamada Badda Puntland Madaxweyne Deni Adeer u ah.

Markabka hawshiisii waa dhamaatay,waxaana dajintiisa la bilaabay 12-kii Bisha ilaa iyo hadana 100-kun oo Kiish,ayaa laga dajiyay.

Reer Deni dib ula soo wareegida Dhuxushan,waxaa uga baxday 1-Milyan oo dolar.

Dhuxusha Suuqa ugu weyn,waxaa looga hayaa Imaaraatka,Sacuudiga iyo Qatar.

Dowlada Cumaan way Xaraashi doontaa Markabka marka Dhuxusha laga dejiyo.

Markabkan iyo Sheekadiisa,waxaa xilalkoodii ku waayay Wasiirkii Arimaha dibada Cabdi-Siciid iyo Safiirkii Somalida ee Wadanka Cumaan.

Jibril Qoobey.