Faahfaahin dheeriya oo laga helay weerarkii Hotel Xayaat

Sarkaal sare oo ka tirsan laamaha Amniga Muqdisho,ayaa sheegay in ay aamisan yihiin in Al-Shabaab ay sahamiyeen hotelka ka hor weerarka.

Waxa uu sheegay in laamaha amnigu aamisan yihiin inay maleehsiyada weerarka soo qaadday ay daawadeen muuqallo ku saabsan albaabada laga galo Hotelka iyo Qolalkiisa.

Sarkaalka,ayaa sheegay in weerarkaas ay toos ugu lug lahaayeen toddoba ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaasi oo saddex ka mid ah ay isku kala qarxiyeen albaabka Hotelka, mid qarxiyey baabuur, iyo mid saddexaad oo isku qarxiyey askar iyo saraakiil ka tirsan ciidanka kadib markii ay Hotelka gaareen.

Qaraxan ka dhacay Hotelka,ayaa waxaa ku dhaawacmay sagaal ka tirsan ciidamada amniga oo uu ku jiro taliyaha nabadsugidda gobolka Banaadir Muxiyaddiin Warbac oo la sheegay inuu dhaawac fudud so gaaray.

Qaraxaas,ayaa la sheegay inuu dib u dhac u keenay hawlgalka daqiiqadii u horreeyey ee gurmadka.

Sarkaalkaas ka tirsan laamaha amniga,ayaa sidoo kale sheegay inay baarayaan suurto-galnimada in dad horey ugu sii sugnaa Hotelka inay ku lug lahaayeen weerarka.

Mulkiilaha Hoteelka Cabdulqaadir Maxamuud Nuur oo loo yaqaan Faatul oo waraysi siiyey idaacadda VOA ayaa isagu beeniyey in dad Hoteelka horey u degganaa ay weerarka ku lug lahaayeen. Waxa uu sheegay in Hoteelku uu xaqiijiyo dokumentiyadaa dadka soo degaya. Waxaa sidoo kale uu beeniyey inay cid hub ku kaydsatay Hoteelka.

Saraakiisha amniga ayaa sidoo kale xaqiijiyey in intii uu socday hawlgalka ay go’day jaranjarta Hoteelka, taasi oo dib u dhac u keentay ciidamada inay la dagaalamaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Sarkaalka sare,ayaa sheegay in Al-Shabaab ay gooyeen jaranjarta si ay ciidanka uga horistaagaan in ay kula dagaalamaan dabaqa sare.

Hawlgalkan ayaa saacadihiisii ugu horreeyey waxaa gacanta ku hayey ciidamada booliiska rasmiga ah iyo kuwa gaarka ah ee Haramcad, hase yeeshee waxa goor dambe la wareegay ciidamada Gaashaan ee hoos taga hay’adda nabadsugidda qaranka. Hase yeeshee waxaa ugu dambayn hawlgalka dhammaystiray ciidamada Haramcad.

Sidoo kale weerarkan ayaa yimid iyadoo la isla dhexmarayo in madaxweynaha Soomaaliya uu isbeddel ku samayn doono madaxda laamaha amniga.