Jubaland isbadal dhan walba ayay ubaahan tahay

Jubaland utanaasulkii iyo garabgalkii Axmed Madoobe,waa kusoo caano maashay meel wanaagsana way kusoo gaartay.

Axmed ku filan 15-sano oo uu Kursiga ku joogay siduu rabo looguna sacab tumayay.

Madaxweyne Axmed kuma guulaysan Jubaland tii la hiigsanayay,waxaana la oran karaa waa ku fashilmay.

1.Ma hayo Shacab midaysan.
2.Ma hayo Dhul midaysan.
3.Ma hayo Nidaam midaysan.
4.Ma hayo hay’ado shaqeeya oo maamul.
5.Ma hirgelin nidaam Doorasho oo xor ah.
6.Ma daadajin maamulka.
7.Ma sifayn argagixisadii.

Maanta lama sii aqbali karo ku tumasho kale oo xataa aan loo marin wax u eg Sharci.

Dastuurka,waxaa wax ka badali kara Cod Dadweyne ama Ergo guud ahaan Gobolada Jubaland ka kooban.

Tusaale”

Puntland markii Dastuurkeeda la ansixinayay oo ay ku jirtay Qodobka dhigaya mudo xileedka Dowlada in uu yahay 5-sano,waxaa ansixiyay in la eg Ergadii lagu Aas-aasay Puntland oo ahayd 460-Xubnood.

Hadaba si loo helo Jubaland-ta la hiigsanayo waa in loo xulaa hogaan ku filan gaarida himilooyinkan..

1.Jubaland Dhulkeedu xor wada yahay.
2.Jubaland Dadkeedu mid yahay.
3.Jubaland leh hay’ado Cadaalad oo shaqeeya
4.Jubaland leh Ciidan loo dhan yahay.
5.Jubaland karaamada nooluhu qiimo ku leeyahay.
6.Jubaland leh hay’ado Dowladeed oo ku yimid doorasho xor iyo xalaal ah.

Jubaland isbadal dhan walba ah ayay ubaahan tahay oo masii ahaan karto..

1.Hal Magaalo.
2.Hal Xaafiis.
3.Hal Nin.
4.Hal Ciidan Beeleed.

Jubaland balaaran,ayaa loo baahan yahay fariisinteed.

Jibril Qoobey.