Puntland oo loogu baaqay dadajinta heshiiska Shidaalka Baddeeda

Dowlada Puntland ee Deni hada hogaamiyo,waxaa laga rabaa in ay dadajiso arinka Shidaalka.

Dhawaan Dowlada Fadaraalka ee Somaliya,waxay saxiixi doontaa heshiiska Qarxinta Baloogyada xogtooda la hayo ee JL ilaa Galmudug.

Sanad gudihiis waa in xogta Badda ee Shidaalka Puntland la helaa si ay ula jaanqaado Qarxintaas.

Shirkada hada haysata xogta Shidaalka Somaliya ee TGS waxay aad udanaynaysaa dhanka Puntland oo ay aaminsan tahay in Shidaalka ku jira Baddeeda uu Toban jeer ka badan yahay kan Bartamaha iyo Koonfurta Dalka.

Sidoo kale Shirkadu waxay la dhacsan tahay dhaqanka Dadka,fahankooda Dowladnimo iyo Amniga.

Puntland waxaa laga rabaa in ay Dowladda Fadaraalka la gasho wadaxaajood ku saabsan….

  1. Sharciga wadaagga iyo lahaanshaha kheyraadka Dalka.
  2. Sharciga Batroolka ee la ansixiyey balse PL aysan qeybta ka ahayn.
  3. In Puntland loo fududeeyo ka faaiideysiga Kheyraadka Badda dhow iyo tan fog.
  4. Puntland in ay si deg deg ah loogu fududeeyo xiriirka shirkadaha Badda baara (seismic)
  5. Heshiisyada shidaalka PL in laga ansixiyo Baarlamanka Puntland.

Dowlada Fadaraalku waa udiyaar dhankeeda wada xaajoodkaas iyo fududaynta waxii dhankeeda laga rabo.

Qodobkan waa in aan laga dhex raadin Hunguro dhow ee la eegaa mustaqabalka fog faa’idadiisa.

Jibril Qoobey.