Weftiga Fadaraalka Ee M.Xasan hogaaminayo oo si diiran Garowe loogu soo dhaweeyay

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kusoo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha ee Garoowe Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland waxaa soo dhoweynta Madaxweynaha JFS kala qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Xubno ka mid ah Goleyaasha DFS, Goleyaasha Dowladda Puntland, Saraakiisha Ciidamada, Maamulka Gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.