Caalamka oo canbaareeyay weerarkii Cirka Ee Makelle

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee UNICEF ayaa Sabtidii cambaaraysay weerar cirka ah oo ” lala beegsaday xannaano” ku taalla gobolka Tigray ee Itoobiya, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan afar qof oo ay ku jiraan laba carruur ah.

Duqeynta Jimcihii ka dhacay caasimadda Tigreega ee Mekele ayaa kusoo aaday maalmo kadib markii uu dagaal ka qarxay xudduudka koonfureed ee gobolkaas, kaasoo u dhexeeya ciidammada dowladda iyo kuwa TPLF, taasoo soo afjartay xabbad-joojin shan bilood ah.

“UNICEF waxay si adag u cambaaraynaysaa weerarka cirka ah…(kaas) oo lagu weeraray xannaano, oo ay ku dhinteen dhawr carruur ah, qaar kalena ku dhaawacmeen,” ayay agaasimaha fulinta ee UNICEF Catherine Russell ku tiri farriin ay soo dhigtay Twitter-ka.

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ee ka talisa gobolka waqooyi ayaa sheegtay in weerarka cirka uu burburiyay xarun xannaano iyo xaafad ay dad rayid ah deggan yihiin, iyadoo dowladda Itoobiya ay beenisay.

Addis Ababa ayaa sheegtay inay beegsatay oo kaliya goobaha ciidamada, waxayna kooxda TPLF ku eedaysay inay ka dambeyso dilka dadka rayid ah.

Kibrom Gebreselassie, oo ah madaxa caafimaadka ee cisbitaalka Ayder Referral Hospital ee Mekele, ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in afar qof ay ku dhinteen duqeybta cirka ah oo ay ku jiraan laba caruur ah, wuxuuna intaas ku daray in sagaal kale laga daweynayay dhaawacyo.

AFP.