Cumar Cabdirashiid oo Jidgooyo ku noqday danaha reer Puntland

Cumar,waxuu kala garan waayay Puntland iyo Deni.

Erayada uu isticmaalay waxay bahdil ku yihiin Puntland.

Cumar,waxuu ilowsan yahay in Puntland ay ka maqaam,awood,soo jireen sarayso Maamulada kale oo ay leedahay door curadnimo.

Xasan yo Deni haday is afgarteen oo si hoose uwada xaajoodern Cumar ma waxay ku ridaysaa rajo beel Siyaasi?

Madaxweyne Xasan Shiikh kuma ceebaysna in uu la fariisto Maamulada oo hal hayskiisii,ayaa ahaa..”Somali heshiis ah Dunidana la heshiis ah”

Cumar ciil qan Deni,ayaa weli ka muuqda,balse waxay ahayd in uu kala saaro Puntland iyo Deni oo uusan Jodgooyo udhigan danahooda.

Deni waa kaga adkaaday siyaasada Rag badan oo Siyaasiyiin reer Puntland ah oo isagay uxiran tahay saamaynta Siyaasadeed ee ,Itoobiya,Imaaraadka,Kenya iyo Xamar ee xiligan.

Jibril Qoobey.