Kaydka Gaaska Dabiiciga ah Ee Deegaanka Somalida Itoobiya oo la shaaciyay

Dowladda Itoobiya,ayaa shaacisay natiijada kasoo baxday daraasad laga waday Deeganka Soomalida oo lagu ogaanayay cadadka shidaalka ku jira Deegaanka iyo noocyadiisa.

Wasaaradda macdanta iyo shidaalka,ayaa sheegtay in shidaalka dabiciiga ah ee la qiyaasayay sadex jibaarkii cadad u dhigma in daraasadkan lagu ogaaday.

Gaaska dabiiga ah ee Deeganka ayaa darasaadkan lagu sheegay inuu gaadhayo 7 Trillion Cubic Feet,waana cadad saddex jeer ka baddan midkii hore ee la qiyaasayay.

“Shirkadihii hore ee dalkan ka hawlgalayay nooma sheegi jirin cadadka uu gaadhayo shidaalku.Hadda waxaan daraasadkan ku ogaanay in shidaal qiyaastii hore ka baddan uu jiro,waxayna sababaysaa in dunidu kaydkan cusub aqoonsato”; ayuu yidhi wasiirka macdanta iyo shidaalka oo ka hadlayay natiijada daraasadka.

Daraasadkan hadda la shaaciyay ayaa la xidhiidha kaliya cadadka keydka shidaalka gaaska dabiiciga ah.[Qaybihii kale dhiman]


VOSS TV