Puntland Casho Sharaf ugu samaysay Madaxtooyada Madaxweyne Xasan iyo weftigiisa

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa kulan Casho Sharaf ah ugu sameeyay xarunta Madaxtooyada, Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdiga la socda.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Ahna Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee DFS Mudane Abshir Cumar Huruuse, La-taliyaha arrimaha dib-u-heshiisiinta ee Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cali Cabdi Awaare, Xubno ka mid ah Goleyaasha DFS, Goleyaasha Dowladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan labada Madaxtooyo Puntland iyo Soomaaliya.

Halkan ka daawo muuqaalka