Alshabaab oo hanjabaad xoog leh udiray Kenya

Ururka al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya ayaa soo saaray hanjabaad cusub oo ka dhan ah dalka Kenya, iyaga oo sheegay inay sii wadayaan weerarada ay ka geysanayaan dalkaas inta ay ciidamada dalka Kenya ay ku sugan yihiin Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ku qornaa afka Ingiriisida oo uu soo saaray ururka al-Shabaab ayay intaas ku sii dareen inay sii wadayaan, weerarada ay ka fuliyaan magaalooyinka iyo tuulooyinka dalkaas, illaa inta ay ciidamada Kenya ka baxayaan Soomaaliya.

Ururka al-Shabaab ayaa sheegay in haddii Kenya ay ku sii adkaysato inay sii waddo duullaanka ay ku hayso dhulalka muslimiinta, inay iyaguna dhinacooda sii wadayaan weerarada ay dalkaas ku qaadayaan.

“Ogow inaan sii wadi doono inaan dhulkeena iyo dadkeena ka difaacno duullaanka gardarrada ah ee Kenya. Waxaan sii wadi doonnaa in aan xoogga saarno weerarada aan ku qaadno magaalooyinka iyo tuulooyinka dalka Kenya inta ay ciidamada Kenya sii wadaan inay haystaan dhulkeena Muslimiinta,” ayay tidhi kooxdu.