Madaxweyne Xasan oo kormeeray Xarumaha Dowlada Puntland Ee Garowe

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta si wadajir ah u kormeeray qaar ka mid ah xarumaha Hay’adaha Dowladda ee magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland ayaa kormeeray Bangiga dhexe ee Dowladda Puntland, Xarunta Wasaaradda Maaliyadda iyo qeybteeda dakhliga, Xarunta Guddiga Doorashooyinka Puntland ee TPEC, Xarunta Hay’adda maareeynta macluumaadka Biyaha iyo Dhulka IMC iyo Wasaaraha kala ah Arrimaha gudaha, Caafimaadka iyo Deegaanka.

Madaxweyneyaasha ayaa warbixino ka dhegaystay masuuliyiinta xafiisyada ay booqdeen, Iyadoo Madaxweyneyaashu ay boggaadinayeen sida shaqooyinka Dowliga ah iyo adeegyada Bulsho ay uga socdaan Puntland.

Halkan ka daawo muuqaalka