Xiisad cusub oo ka taagan Marin Biyoodka Taiwan

Labo Markab oo ah kuwa dagaalka oo laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa maraya marin biyoodka Taiwan, sida lagu shaaciyay war ka soo baxay Ciidamada Badda Mareykanka.

Waa howlgalkii ugu horreeyay oo noocan ah oo dhaca tan iyo markii ay sii korortay xiisadda u dhaxeysa Taiwan iyo Shiinaha oo cirka isku sii shareertay markii Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ay horaantii bishan booqatay Taiwan.

Shiinaha,ayaa ka falceliyay booqashada Nancy Pelosi waxa uuna aagga hadda ay Maraakiibta Mareykanka marayaan ka sameeyay dhoolatus militari oo ballaaran.

Ciidamada Badda ee Maraykanka iyo kuwa kale oo reer galbeed ah ayaa si joogta ah u marayay Marin-biyoodkan sanadihii u dambeeyay.