Madaxweynaha Fadaraalka oo loosoo bandhigay Mashaariicda ka socota Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Madaxweynaha JFS Xasan Shiikh Maxamuud iyo waftigiisa ugusoo bandhigay xarunta Madaxtooyada Shaqooyinka Dowliga ah iyo Mashaariicda ka socda Puntland oo ay ku jiraan adeegyada casriga ah ee Habka danabeysan loogu shaqeynayo Bulshada.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen qaar ka mid ah Goleyaasha DFS, Goleyaasha Puntland, La-Taliyeyaasha Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Puntland, Madaxda Hay’adaha Dowladda qaar ka mid ah, Saraakiisha Madaxtooyooyinka iyo madaxda mashaariicda lasoo bandhigay.

Bandhigga shaqooyinka ka socda Puntland waxaa lagu soo bandhigay hab muuqaal ah iyo hab xog qoran ah, sida waxqabadka Dowladda ee saddexdii sano, dayactirka iyo dhismaha Wadooyinka, hirgelinta doorashadii hal qof iyo hal cod, mashaariicda taariikhiga ah ee dekadda Garacad, Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo, dib-u-habeynta Ciidamada, Maaliyadda, Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha , Ceelasha Biyaha ee la qoday, arrimaha bulshada iyo hannaanka casriga ah ee adeega danbeysan ee Golaha Wasiirada.

Dhammaan shaqada socota iyo adeegyada casriga ah ee horumarsan, waa kuwo astaan u ah qaangaarnimada Dowladda Puntland, oo hormuud ugu ah Soomaaliya dhinacyada Dowladnimada iyo Bulshada oo si wanaagsan loogu Adeego.

Halkan ka daawo muuqaalka