Ruushka oo ka hor yimid heshiiska Xakamaynta Niyuklayrka

Maraykanku ayaa diidmada uu Ruushku diiday ansixinta heshiiskii qabyo-qoraalka ahaa ka hortagga faafinta niyuukliyeerka ayaa ku sababeeyay in Ruushku uusan doonayn in uu qirto khatarta weyn ee shucaaca warshadda tamarta Niyuukliyeerka ee Zaporizhzhia ee dalka Ukraine.

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in xukuumadda Moscow kaligeed ay go’aansatay in ay xannibto heshiiskii maalintii Jimcihii laga gaaray arrintaasi maadaama aysan jeclaysan qoraalka heshiiskaasi.

191-ka waddan ee horey u saxiixay heshiiska ka hortagga faafinta niyuukliyeerka ayaa shantii sanaba mar dib u eegis ku sameeya heshiiskaasi.

Kaddib muddo bil ah oo shirar socdeen, ayaa dowladda Ruushku waxa ay ku tilmaantay qabyo-qoraalka kama dambaysta ahi ee heshiiskaasi in uu yahay mid qaab siyaasadeysan loo soo qoray.

Ruushku waxa uu ka soo horjeestay qoraalka qabyada ah isaga oo si gaar ah uga carooday ereyo ay ka mid yihiin “walaac aad u weyn” oo laga qabo dhaq-dhaqaaqyada milatari ee agagaarka dhismaha Niyuukliyeerka ee Ukraine, gaar ahaan Zaporizhzhia.

Sidoo kale qoraalkaasi waxaa ku jiray qeyb u dhignayd sida tan: “luminta xakamaynta maamulka Ukraine ee awoodda u leh goobahan oo kale, taasi oo ka dhalatay dhaqdhaqaaqyadaasi militariga iyo saameynta xun ee dhanka amniga ah ee arrintaasi ka dhalatay.”

Sanadkii 2015 ayaa waddamadii ka qaybgalayay dib-u-eegista heshiiskan waxay sidoo kale ku guuldareysteen in ay ka gaaraan wax heshiis ah.

Shirka sanadkan 2022-ka qabsoomay ayay ahayd in la qabto sanadkii 2020 balse waxaa dib u riday cudurka Covid-19.

Wakiilka Ruushka u fadhiyay shirkaasi, Igor Vishnevetsky, ayaa sheegay in qoraalka heshiiskaasi ugu dambeeyay ee qabyada ahi uu ahaa mid aan “isu-dheelitirnayn”.