Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka TPLF iyo Mileteriga D.Dhexe

Tigreegii Dagaalka ayey dib ubilaabeen,iyagoo sidii hore ka Ciidan iyo Qalab fara badan.

Sedex magaalo,ayaa Gacanta Tigreega galay,kuwaasoo kala ah..

1.Koba.
2.Koba Robit
3.Weldeya.

Ciidan farabadan oo iskugu jira Militariga iyo Liyuuga Amxaarada ayay ku qabteen goobaha dagaalka.

Dhanka Canfarta waxay Tigreegu ka wadaan dagaal xoogan oo sababay barakaca 7-kun oo Shacab ah iyo gubashada Labo Magaalo.

Ciidanka Tigreegu wuxu ka dagaalamayaa Sadex Jiho oo kala ah..

1.Dhanka Dessie .
2.Dhanka Lalibela.
3.Dhanka Gonder.

RW Abiy wuxuu ku sugan yahay Aljeeria oo ah Wadankii horay uheshiisiiyay Asiyas iyo Meles dagaalkii weynaa ee Eretereya iyo Itoobiya.

Dhanka kale Dowlada Fadaraalka ee Itoobiya,waxay ku amartay Madaxweyne Mustafe in uu keeno 5-kun oo Askari oo dagaalka qayb ka noqda.

Balse Madaxweyne Mustafe dalabkaas waa ka caga jiiday,waxuuna ku dooday in dagaalki Alshabaab uu ku jiro Deegaanka Somalidu.

Saraakiisha Liyuuga Somalida,ayaa ka hor yimid amarka Dowlada Dhexe,waxayna ku doodeen in aysan difaacayn Dhul amxaaro,iyadoo loo diiday difaaca Dhulka Deegaanka ee dhanka Canfarta.

Haatan,waxaa Jig-jiga uyimid dirista Ciidanka Aadan Faarax.

Jibril Qoobey.