Maxaa sababay go’aanka DG xiriirka ugu jareen W.Maaliyada Dowlada Fadaraalka?

Saakay,waxay Wasaarada Maaliyada Fadaraalku ukala dirtay Wasaaradaha Maaliyadaha Dowlad Goboleedyada fariimo loogu sheegayo in loo hayo Lacag dhan 2-Milyan Dowlad Goboleed walba,taasoo ka dhigan isku gayn in ay helayaan 12-Milyan oo dolar.

Beesha caalamka Sanadkan,waxaa laga helay 100-Milyan oo dolar oo deeq ah.

Deeqdaas,waxaa qorshuhu ahaa in lagu qaybiyo heshiisyadii horay ujiray sida ay dhigayeen.

Tusaale”

55-tii Milyan ee Sanadkii hore laga helay Caalamka,waxaa Dowlad Goboleedyada la siiyay isku gayn 30-Milyan oo dolar.

Waxaa jiray heshiisyo lagu gaaray 2017 Muqadishu iyo Addis Ababa ,2019 Uganda 2020, kuwaas oo dhigayay lacagta DF ay hesho 60% inay qaadato halka 40% ay qaybsadaan Dawladda xubnaha ka ah,iyada oo lagu salaynayo qaybinta sida ay u kala Dakhli badan yihiin.

Puntland waxa ay heshay 2020 lacag dhan $9.800.

Dawladda Xasan Shiikh waxa ay meesha la timid 90% anaga qaadanaynaa 10% dawladda xubnaha ka ah ha qaataan.

Somaliland iyo Puntland oo kale waxay ka helayaan 2-3 Milyan,halka kuwa kale wax kasii yar ay helayaan.

Lacag Taas waxa lagu magacaaba (Pudget Support )

Go’aanka Dowlad Goboleedyada,waxaa sababay wax qaybinta baalmarsan heshiisyadii horay ujiray.

Xiriir ujarida Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalku,waxuu gebi ahaanba hakinayaa Barnaamijkii Deyn cafinta ee Somaliya.