Muxuu ka ogaa Lacagta laga hor istaagay DG Madaxweyne Xasan Sh?

Lacag $100 Million oo (Budget Support ah) ayaa timid.

Kadib Wasiirka Maaliyadda Fadaraalka,ayaa DG walba u mariyey $2.5 million dollar Koontada uu ku leeyahay Bangiga Dhexe.

Lacagta inteedii kale waxaa la haray Dowlada Fadaraalka.

Balanku,waxuu ahaa markii hore in layskaga yimaado oo laysla eego kharashaadka iyo sida loo qaybsan karo Lacagtaas.

Wasiirka Maaliyada Fadaraalka,ayay xogo lagu kalsoonaan karo sheegayaan in amarka Dowlad Goboleedyada lagu siiyay Lacagta 2.5 ah uu la ogaa Madaxweyne Xasan Shiikh.

Balse Wasiirada Maaliyada qaarkood,waxay xaqiijinayaan in Madaxweyne Xasan lasoo hadlay una sheegay in uusan waxba ka ogayn talaabadaas.

Sida wararku sheegayaan Madaxweyne Xasan,waxuu dajiyay xaalada,isagoona ku baaqay Shir deg-deg ah.

Jibril Qoobey.