Hogaamiyihii hore Ee Midowgii Sofiyeedka Gorbachev oo Geeriyooday

Hoggaamiyihii hore ee Midowgii Soofiyeet Mikhail Gorbachev, oo sabab u ahaa inuu soo dhammaado dagaalkii qaboobaa ayaa geeriyooday isaga oo da’diisa ahayd 91 jir.

Gorbachev oo talada Midowgii Soofiyeet la wareegay 1985-kii ayaa waddo cusub u furay xiriirka uu Midowgii Soofiyeti la lahaa caalamka intiisa kale isaga oo isbeddallo baddanna gudaha dalkaasi ka sameeyey.

Hase yeeshee wuxuu ka hortagi waayey burburka ku yimid Midowgii Soofiyeet ee horseedday inuu sameysmo Ruuhska casriga ah ee maanta.

Hoggaamiyeyaasha caalamka qaarkood ayaa si weyn u ammaanay hoggaamiyihii Midowga Soofiyeet ee geeriyooday Michael Gorbachev.

Waxyaabaha sida weyn loogu xusuustana waxaa ka mid ah xakameynta hubka, soo afjaridda dagalkii qaboobaa iyo faragelinta uu bariga Yurub ku hayey Midowga Soofiyeet oo uu joojiyey.

madaxweynihii hore ee mareykanka, Ronald Reagan iyo Mikhail Gorbachev ayaa 1987-kii saxiixay heshiis lagu xakameynayo gantaalaha riddada-dhex ee Nukliyeerka.

1990-kina Gorbachev waxaa la guddoonsiiyey abaalmarinta nabada ee caalamiga ah oo loo yaqaanno Nobel Peace Prize, abaalmarintaasi oo uu ku muteystay furfurnaanta siyaasadeed uu la yimid iyo sida uuu soo afjaray dagaalkii qaboobaa.

Laakiin dad badan oo Ruush ah ayaan waligood Gorbachov ka cafiyin qalalaasihii horseeday burburkii Midowgii Soofiyeeti (USSR).

Mikhail Gorbachev ayaa lagu aasi doonaa qabuuraha Novodevichy ee magaalada Moscow, oo ah halka lagu aaso dad badan oo caan ah oo Ruush ah, waxaana lagu barbar aasayaa xaaskiisa Raisa oo u geeriyootay cudurka leukemia 1999-kii, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Tass.