Maxkamada sare Ee Kenya oo amartay dib utirin Codadka laga dhiibtay 15-goobood

Maxkamadda sare ee dalka Kenya,ayaa amartay in dib loo tiriyo Codadkii laga dhiibtay 15-goobood doorashadii dhacay 9-kii bishan Ogosto, iyadoo maxkamaddu ay bilowday dhageysiga dacwad ka dhan ah guusha madaxweynaha la doortay ee William Ruto.

Codsiga dib-u-tirinta ee Raila Odinga iyo ku xigeenkiisa, Matha Karua, ayaa ahaa 15 goobood oo codbixineed oo ku kala yaalla afar gobol oo kala ah Kericho, Nandi, Nyandarua iyo Mombasa.

Saddexda goobood ee Kericho, Nandi, Nyandaruagobol ayaa si weyn ugu codeeyay Ruto, halka dadka deggan Mombasa ay u codeeyeen Odinga.

Garsoorayaasha ayaa sheegay in dib-u-tirinta lagu sameeyo 48 saacadood gudahood.