Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Tigreega iyo Militeriga Itoobiya

Ciidamada Tigreegu,waxay Gacanta ku dhigeen Talyihii Guutada 37-aad ee Ciidanka Milateriga Itoobiya.

Sidoo kale Talyihii Guutada 11-aad ayay qabteen Ciidamada Tigreegu.

Ciidanka Tigreega oo uu hogaaminayo Jeneral.Jon,ayaa ka dagaalamaya 3-Jiho oo kala ah…

1.Buuraha Humura ee dhanka Sudan.

2.Dhanka Magaalada Bati ee Amxaarada oo waxay ku wajahan yihin Desse.

3.Dhanka Canfarta

Xalay 8-dii saac ee danbe ayey bilaabeen weerar isku mar ah oo Sedex Jiho ah,iyagoo isticmaalaya Hub culus iyo Madaafiicda meelaha fog wax ka dukheysa ilaa caawa fiidki ayeyna ku garaacayeen Aagagaas.

Ciidankii Lugta ee Tigreegu ma soo galin dagaalkan udanbeeyay waxyar mooyee.

Dowlada Fadaraalka Itoobiya,waxay ku eedaynaysaa Masar in ay dhanka Sudan uga soo galisay Tigreega Hub culus.

Dhanka kale Madaxweyne Deegaanka Somalida Mustafe Cagjar Maanta,ayuu diray Ciidan.

1700-Askari oo ku jiray Xerada Birqod,ayaa loo qaaday Deegaanka Amxaarada si ay udifaacaan.

Sidoo kale Madaxweyne Mustafe,waxuu amray in Degmooyinka waa weyn laga soo qoro min 300-Askari,halka kuwa yar-yar la amray in laga soo qoro min 200-Askari.

Qorshahan,waxaa Mustafe ka dhaadhiciyay ugu danbayntii Wasiirka Waxbarashada ahna Gudoomiyihii Xisbigii Cunsuriga ahaa ee Amxaarada Azema Berhanu Nega oo Jig-jiga tagay.

Jibril Qoobey.