Faahfaahin Hoobiyayaashii Xalay lagu weeraray Muqdisho

Inta la xaqiijiyay Hal Qof,ayaa ku dhintay weerar Hoobiyeyaal ah oo xalay lagu soo qaaday qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Hoobiyaasha,ayaa kusoo dhacay Degmooyinka Xamarweyne gaar ahaan Casa-Italia, waxaana ku dhintay 1 qof, iyada oo hoobiyeyal kale ay ku dhaceen Afaafka hore ee Degmada Shingaani, iyo sdioo kale Degmada Boondheere.

Dhawaaqa Hoobiyaasha,ayaa laga maqlay qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Ilaa hadda lama oga haddii uu jiro khasaare intaas ka badan oo ka dhashay weerarkanka.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda wararkan, inkasta oo Al-Shabaab ay inta badan sheegato mas’uuliyadda weerarrada noocan ah.