Israsaasayn ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Laascaanood

Is-rasaaseyn,ayaa ka dhacday garoonka macmalka ah ee Diyaaradaha Magaalada Laascaanood.

Labo Maleeshiyo hubaysan oo ay kala wateen Labo Ganacsade oo Qaadka ka Shaqaysta,ayaa isku rasaaseeyay Gudaha garoonka.

Isbitaalka Laascaanood,ayaa la gaarsiiyay Dhaawac ka dhashay iska hor imaadkaas.

Shaqaaqooyinka Qaadka,ayaa ah kuwo inta badan waxyeela Amniga Guud.