Alshabaab oo ka hadlay Dadkii ay ku laayeen Hiiraan

Shabaab,ayaa xalay inta u dhaxeysa degmooyinka Maxaas iyo Baledweyne ee gobolka Hiiraan ku weerarey gawaari.

Gawaaridan ayaa siday raashin iyo dad Rakaab ah. Alshabaab ayaa dilay inta badan shacabkii saarnaa gawaaridaasi

Waxey sidoo kale gubeen raashin loo waday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Mid kamid ah Dadka Deegaanka oo la hadlay warbaahinta,ayaa sheegay in weerarka gaadmada ah uu dhacay xalay.

Al shabaab oo ka hadlay Dadka lagu laayey Gobolka Hiiraan maanta, iyagoo sheegay in ay halkaasi ku dileen Maleeshiyaad ka tirsan Macawisleeyda.

Waxey intaa ku dareen Al Shabaab, in ay sidoo kale gubeen Gawaari ka baxday Magaalada Beledweyne, oo sida ay sheegeen u waday sahay iyo saanad Maleeshiyaadka Macawiisleyda.