Booliska Kenya oo heegan sare la geliyay

Dhammaan madaxda Gobollada iyo Degmooyinka dalka Kenya, ayaa laga codsaday inay u diyaar garoobaan xaalad kasta oo ka dhalan karta go’aanka Maxkamadda Sare ee Isniinta lagu dhawaaqayo, taasoo ku beegan 5-ta bishan Sebtember ee aynu ku jirno.

Ku xigeenka Booliiska ee dalka Kenya, Edward Mbugua, ayaa warqad u diray madaxda laamaha ammaanka, isagoo ku booriyay iney feejignaadaan, oo ay u diyaar garoobaan amaro la xiriira amniga, iyo sida laga yeelayo go’aanka maxkamada kadib.

Warqad ku suntaneyd 1-da bisha Sebtembar, Mbugua, ayaa waxa uu sidoo kale ka codsaday saraakiisha amniga iney nuqullo kamid ah qorshahe hawleedkooda usoo gudbiyaan xarunta adeegga booliiska Kenya, inta aan la gaarin kahor 3-da galabnimo ee Jimcaha, ee ku beegneyd shaley.

“Iyadoo ay ku xiran tahay go’aanka Maxkamadda Racfaanka Kenya, waxaan fileynaa falcelinno kala duwan oo ay ka bixiyaan dadka shacabka ah ee ku sugan goobaha kulul, sida rabshadaha iyo burburka hantiyeed, waxaa la idin farayaa inaad diyaarisaan howlgallo lagaga hortagayo dhibaatooyinka ka dhalan kara go’aanka maxkamadda,” ayaa lagu yiri warqadda qeyb ka mid ah.

Arrintan ayaa timid saacado kaddib digniin kasoo baxday safaaradda Mareykanka ee Nairobi, oo ku wajahan muwaadiniinteeda u socdaalaya iyo kuwa ku sugan ismaamulka Kisumu, ka hor inta aan la xukumin Isniinta