Degmada Eyl oo yeelatay Duqii ugu horeeyay oo doorasho Shacab ku yimaada

Eyl: 03, September 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni, ayaa caawa goobjoog ka noqday Doorashada Golaha Deegaanka degmada Eyl ee gobolka Nugaal, taasi oo ka mid ahayd sadexdii degmo ee Puntland ka qobsoontay doorashadii Goleyaasha deegaanka ee hal qof iyo hal cod.

Golaha deegaanka degmada Eyl oo shacabku kusoo doortay codkooda ayaa caawa iska dhex-doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen , iyagoona Guddoomiyaha degmada Eyl u doortay Faysal Khaliif Wacays oo helay 26cod, halka ay Guddoomiye Ku-xigeen u doorteen Cabdirisaaq Kilwe Yusuf oo isna helay 15cod, doorashada ayaa kusoo dhammaatay si guul ah oo taariikhiya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi ayaa u hambalyeeyay Guddoomiyaha iyo Gudoomiye Ku-xigeenka cusub ee degmada Eyl, wuxuu boggaadiyay sida wanaagsan ee uu u socdo hannaanka dimuqraadiyadda Puntland, isagoo sheegay in dhammaan laga wada hirgelinayo degmooyinka Puntland.

Caawa oo ay u ahayd shacabka degmada Eyl habeen taariikhiya ayaa waxaa munaasibadda doorashada Guddoonka Golaha Deegaanka ka qayb-galay masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta Puntland oo qaadanaysay doorkeeda dhismaha goleyaasha deegaanka iyo ku dhawaaqista Natiijada Doorashadda, Masuuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumadda, siyaasiyiin, waxgarad, Ganacsato, Ururada bulshada degmada Eyl iyo Musuuliyiin kale.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUTLAND.